Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in dalka ay ka jirto musiibo qaran (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi  Faramaajo oo maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka qeyb qaataan gar-gaarka deg-dega ah ee loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen, si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.

“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, haddii aan haatan laga hortagin.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ee dhawaan ka dhici doona magaalada London, ayaa sheegay inay geyn doonaan istiraatiijiyad cad oo ay dowladda Soomaaliya ka leedahay abaaraha soo laab-laabtay

“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeyb-galaan gurmadkaan lagu samata bixinaayo nolosha dadka Soomaaliyeed, dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha.” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb qaataan dadaalada looga soo kabanaayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay si joogta ah ula socon doonaan xaaladaha abaaraha dalka ka jira, si gurmadka loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid meelihii loogu talagalay gaaray.

error: Content is protected !!