Mooshin ka dhan madaxweyne Gaas iyo guddoomiye Axmed Cali Xaashi oo Garoowe ka socda

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan uu halkaasi ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Axmed Cali Xaashi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka maamulka Puntland ayaa labadaasi mas’uul ku eedeeyay¬†xil gudasho la’aan, islamarkaana ay waqtigooda ku lumiyeen waxyaabo aan micno la heyn.

Saacadihii ugu dambeysay waxaa sidoo kale sii kordhayay tirada xildhibaan ee mooshinka ka wada labadaasi mas’uul ee ugu sareeysa.

Xaaladda magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland ayaa maanta laga dareemayaa xiisado siyaasadeed tii ugu darneed ebid, iyadoona aan la ogeyn halka ay xiisadaan ku dambeyn doonto.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa maanta si deg deg ah ku yimid magaalada Garoowe, si uu u xaliyo mooshinkaasi laga keenay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!