DHAGEYSO:- Feysal Cali Waraabe oo kashifay beelaha uu xisbigiisa doonayo inuu wax la qeybsado

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Injineer Feysal Cali Waraabe oo dhawaan shir gaar ah la yeeshay koox la aaminsan yahay inay ahaayeen ardaagiisa hoose ayaa uga sheekeeyey qorshaha xisbiga iyo dadka ay doonayaan inay wax la qeybsadaan.

Injineer Feysal Cali Waraabi ayaa sheegay in xisbigiisu aanu laheyn xulofo, laakiin gundhigiisu ahaa qoyska hoose ee uu isaga kasoo jeedo, isagoona dhinaca kale ka sheekeeyay qabiilada ay bar-tilmaameedsanayaan ee ay ugu talo-galeen jegooyinka madaxweyne ku-xigeenka iyo jagooyinka kale ee muhiimka ah ee maamulka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa codkaan ku sheegay in wada-hadalka Dhulabahante iyo Somaliland isaga yahay ninka isku haaya, islamarkaana ay labada dhinacba isaga ku kalsoon yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Feysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid hadii xisbiga UCID uu ku guuleysto doorashada Somaliland ee dhawaan dhici doonta in saamiga awood qeybsiga Somaliland uu noqdo mid dhex-dhexaad ah, islamarkaana uu ku doonayo inuu noqdo mid kalsooni badan ka kasbada beelaha dega deegaanada Somaliland.

error: Content is protected !!