DEG DEG:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaafadda Xaawo-taako ee magaalada B/weyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay maanta la wareegeen guud ahaan xaafadda Xaawo-taako oo dhinaca bari kaga beegan magaalada B/weyne.

Ciidamadaasi ayaa ku andacoonaya inaysan helin in muddo wax mushaar ah, waxayna maanta xireen dhamaan dhaq-dhaqaaqii ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray xaafadda Xaawo-taako.

Ciidamadaasi oo si weyn u hubeysan ayaa haatan lagu qancinaayaa inay isaga baxaan xaafadaasi isla- markaana wixii mushaaraad ah oo ay xaq u leeyihiin la siin doonno.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa soo badanaayay ciidamada ka gadoodsan mushaar la’aanta, waxaana dhawaan ciidamo gadoodsan islamarkaana ka tirsan maamulka Puntland ay si xoog ah kula wareegeen bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo iyo kan ku yaala Garoowe, inkastoo markii dambe goobahaasi laga saaray.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!