Haweeney ganacsato ah oo xalay si xun loogu dilay bartamaha magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in habeenkii xalay halkaasi lagu dilay haweeney la sheegay inay ka mid aheyd ganacsatada halkaasi ku nool.

Haweeneydaan oo si weyn looga yaqaanay deegaanada gobolada Bay iyo Bakool islamarkaana magaceeda lagu soo koobay Xamareey, ayaa la sheegayaa in lagu dilay xaafadda Mursal ee bartamaha magaalada Baydhabo, lamana oga sababta keentay dilkeeda.

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen dilka haweeneydaasi, waxayna kooxihii dilka geystay isku dayeen inay goobtaasi ka baxsadaan.

Saraakiisha nabad-sugidda magaalada Baydhabo oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa u xaqiijiyay in kooxihii dilka u geystay haweeneydaasi gacanta lagu soo dhigay  islamarkaana dhawaan la xukumi doonno.

Dhinaca kale, shacabka ku nool magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay si weyn u hadal haayaan dilka loo geystay haweeeydaasi caanka ka aheyd deegaanada gobolada Bay iyo Bakool.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer hore ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay dilalka qorsheysan oo sidaan oo kale ah, waxayna magaaladaasi xarun KMG ah u tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

error: Content is protected !!