Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey inuu lasoo baxay weji cusub kadib magacaabistii ra’iisul wasaare Kheyre

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu lasoo baxay weji cusub, kadib markii uu xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Ku dhawaad 20 musharax oo ka mid ah musharixiinta isbadel doonka ah ee looga guuleystay doorashadii 8-da bisha Febraayo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu albaabada ka xirtay, islamarkaana diiday inuu markale la kulmo.

Musharixiintaasi oo haatan xilal wasiiro ah ka raadinaya xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisi doonno ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in kulankii ugu horeeyay oo ay la qaateen madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay islamarkaana ay waxbadan isla meel dhigeen.

Balse, waxay sheegeen inay marar badan ay isku dayeen inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee arrinkaasi aanay suurto galin, kadib markii lagu wargeliyay in xilligaan aanay suurto-gal ahayn maadaama uu madaxweynaha mashquulkii ugu badnaa heysto.

Musharixiintaasi ayaa¬†intooda badan waxaa ku jira aqoonyahano iyo siyaasiyiin khibrad u leh siyaasadda dalka, kuwaas oo haatan hami badan ka qaba inay ka mid noqdaan dowladda cusub ee uu dhawaan soo dhisi doonno ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, musharixiintaasi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamihii uu ka qaaday xilligii lagu guddo jiray tartanka doorashada, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay khiyaanadii ugu weyneyd ee uu kula kacay madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in musharixiintaasi qaarkood ay qeyb weyn ka qaateen guushii uu madaxweyne Farmaajo ka gaaray tartanka doorashada kadib markii ay codadkoodii ugu shubeen madxweyne Farmaajo, taas oo keentay inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo haatan lama oga waxa uu madaxweyne Farmaajo kaga jawaabi doonno eedeymahaan kaga imaanaya musharixiinta isbadel doonka ah oo ay sida weyn isugu dhawaayeen, kuwaas oo dadaal xoogan ku bixiyay in dalka uu ka dhaco isbadel dhinaca hoggaanka ah.

error: Content is protected !!