Ra’iisul wasaare Kheyre oo digniin u diray mas’uuliyiinta ka mid noqonaysa xukuumadiisa (DHAGEYSO)

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay codka kalsoonida ah ka helay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu tallaabo sharci ah laga qaadi doono mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda islamarkaana fal musuq-maasuq ah lagu helo.

Wuxuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre sheegay in qofkii lagu helo musuq-maasuqa aan markaasi loo fiirin doonin inuu mas’uul yahay iyo inkale, balse si sharciga waafaqsan ay xukuumadiisa uga qaadi doonto tallaabo adag.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in dadka oo dhan ay u sinnaan doonaan sharciga, islamarkaana aan qofka lagu tixgelin doonin xilka uu ka haayo dowladda, maadaama uu sharciga ka weyn yahay.

“Waxaan ballan qaadi doonnaa in qofkii lagu helo falal musuq-maasuq ah, laga qaadi doonno tallaabo sharci ah, mana jiri doonno hadii Ilaahay yiraahdo, shaqsi sharciga ka sareeyo, taasina waxaad ku arki doontaan in dhamaan umaddoo dhami ay u sinaan doonto sharciga hortiisa, iyadoo cidna aanan looga haybeeysan doonin xilka ama mansabka dowladeed ee uu dalka u haayo” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doonno ay halbeeg u noqon doonto karti iyo hufnaan, isagoona tusaale usoo qaatay xukuumadii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen.

“Xukuumadda aa soo dhisi doonno waxaa hadii Ilaahay yiraahdo halbeeg u noqon doonna karti iyo hufnaan, sidii halheyska u ahaan jirtay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Allaha u naxariistee, Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen” Ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa haatan laga sugayaa fullinta balan-qaadkaasi uu ka dhawaajiyay, maadaama dalka Soomaaliya aanay ka jirin mas’uuliyiin xilal dowladeed haaya islamarkaana maxkamad loo soo taagay falal musuq-maasuq ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda mid la mid ah hadal uu dhawaan sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, kaas oo ahaa in la arki doonno wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo loo xiray fal musuq-maasuq ah.

error: Content is protected !!