Wararkii ugu dambeeyay dagaal la isku jilbo dhigtay oo ka dhacay Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay maanta weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo maraayay duuleedka Jowhar.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Warciise iyo Biyo-cadde ee duuleedka kaga beegan magaalada Jowhar.

Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in Al-shabaab ay halkaasi ku gubeen mid ka mid ah gawaarida ay wateen ciidamada dowladda Soomaailya, kuwaas oo mushaar kasoo qaatay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyay inuu dagaalkaasi ku geeriyooday, iyadoona dhowr kale ay ku dhaawacantay.

Dhinaca Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu qasaare lixaad leh kasoo gaaray dagaalkaasi, waxayna labada dhinac dagaalkaasi isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab weli kama hadlin dagaalkaan culus ee maanta labadaasi dhinac ku dhex maray inta u dhaxeeysa deegaanada Warciise iyo Biyo-cadde ee duuleedka kaga beegan magaalada Jowhar.

error: Content is protected !!