Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii labaad ku ansixin doonno qodobo xasaasi ah

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ee magalaada Muqdisho ku yeelanaya kulankoodii labaad ee kalfadhiga koowaad, kadib markii kulankoodii koowaad ay codka kalsoonida ugu qaadeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka bnaarlamaanka ee maanta ayaa la sheegay in looga doodi doonno xaaladda gurmadka abaaraha ka jira dalka iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo qodobadaasi in isla maanta la ansixiyo.

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay haatan hor-yaalaan howlo farabadan ayaa intiisa badan ku mashquulsan sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha wasiirada cusub oo haatan laga sugaayo inuu ku dhawaaqo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka ku nool gobalada dalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan xaalad abaareed iyo macluul ah halis ah, waxaana haatan bilawday inay dadku u dhintaan macaluul iyo nafaqo darro.

error: Content is protected !!