Cabdi Xirsi Qarjab “Qofkii la qabto waa in si dhaqsi ah maxkamad loo geeyo lana dilo..” (DHAGEYSO)

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo muddo sanad ku dhaw arrimo caafimaad ah uga maqnaa shaqadiisa ayaa ku baaqay in la toogto maxaabiista ku jirta xabsiga Puntland.

Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo magaalada Garoowe kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Puntland ay weli xabsiyada isaga haysato oo ay quudineyso argigixisadii kusoo duushay Puntland, kuwaas oo hore xil loogu xukumay.

Sidoo kale, wasiir Qarjab ayaa sheegay inuusan garaneyn sababta weli loo toogan la’yahay maxaabiistaasi ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ku xukuman xukunno dil ah, maadaama iyagaba ay horay usoo dileen dad reer Puntland ah.

“Qofkii la qabto waa in si dhaqsi ah maxkamad loo geeyo lana dilo, annagu kuwii aynu kusoo qabannay Garacad iyo Garmaal oo 800 qof ahaa intii aynu ka dilnay maahanee intii kale ma jiraan 1 qof oo xukun dil ah lagu fuliyay, iyagane way na leynayaan, muddo sanad ahna bariis baynu xabsiyadda ku siinaynaa, marka waxaa haboon in maxaabiistaasi xukunka dilka ah lagu fuliyo” Sidaas waxaa yiri wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.

error: Content is protected !!