DEG DEG:- Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

Waxaa goordhaw xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo inta noloshiisa ka dhiman si dastuuri ah uga mid noqon doonno xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan looga guuleystay tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo 4 sano ah dalka ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sida ku cad dastuurka dalka qodobkiisa 64-aad farqadiisa 4aad, boggiisa 19-aad uu sheegayaa qodobka ah:-

“Qof kasta oo noqda madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan golaha shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn, iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee dastuurkan, tiradda xildhibaanadana dheeraad ayuu ku yahay”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2012-ka si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu soo doortay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib muddo 12 sanno ah oo ay dalka ka jireen dowladdo KMG ah.

Dhinaca kale, madaxweynayaashii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ayaan qodobkaan qaban doonin, maadaama kuwaas oo ahaa madaxweynayaal KMG ah oo lagu soo doortay Charter ama Axdi qarameed.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo uu ka dhoofo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, isagoona dibadda waqti kula soo qaadan doonno labadiisa qoys ee ku kala nool dalalka Tanzania iyo Turkiga.

error: Content is protected !!