Weerar bambaano ah oo lagu qaaday maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar bambaano ah maanta lagu qaaday xarunta maxkamadda darajada koowaad ee magaaladaas.

Weearkaasi ayaa la sheegayaa inuu fuliyay nin dhalinyaro ah, waxaana sida la xaqiijiyay ku dhaawacantay dhowr qof oo shacab ah, kuwaas oo xilligaasi ku sugnaa gudaha maxkamadda.

Dadkaasi dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa kiisas dacwadeed maxkamadaasi uga socotay.

Ninkii weerarka Bamka ah ku qaaday maxkamadda ayaa la sheegayaa inuu islamarkiiba goobta isaga baxsaday, kadib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan nabad-sugidda Puntland.

Ciidanka nabad-sugidda ayaa la sheegayaa inay eryadeen ninkii weerarka Bamka ah ku qaaday maxkamadda, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah, iyadoona saraakiisha nabad-sugidda ay inta badan sheegaan in magaaladaasi ay tahay meel nabad ah islamarkaana aanay ka jirin wax nabad-gelyo xumo ah.

error: Content is protected !!