Guddoomiyihii hore ee magaalada Marka oo loo xiray arrin fadeexad ah (DHAGEYSO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee magaaladaasi Maxamed Cismaan Yariisow uu lunsaday lacagtii loogu talogalay gargaarka abaaraha ee magaaladaasi.

Wasiirka gargaarka iyo naafada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay inuu isagu wax lug ah ku leeyahay arrintaan balse guddoomiyihii hore ee Marka uu yahay mas’uulka falkan ku kacay.

Wasiirka oo isagu hore loogu eedeeay lunsiga lacagta loogu tala galay dadka ku dhibaateysan ee magaalada Marka ayaa sheegay in lacagtaasi uu lunsaday gudoomiyihii hore ee magaalada Marko Maxamed Cismaan Yariisow, kasoo hadda ku xiran yahay xabsi ku yaalla duuleedka magaaladaasi oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa ah hogaamiye kooxeed deegaankaasi awood ku leh, inkastoo aanay wax xil ah ka heynin, waxaana lacagta uu lunsaday lagu sheegay inay ahayd 8,000 doollarka Mareykanka ah.

error: Content is protected !!