Maamulka Hirshabeele oo guddi cusub u magacaabay gurmadka abaaraha (AKHRISO)

Maamulka Hirshabeele ayaa magacaabay guddi cusub oo u qaabilsan gurmadka abaaraha, kadib markii la kala diray guddigii hore uu maamulkaasi hore u magacaabay.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre ayaa magacaabay guddi xildhibaano ah oo isku duba ridi doona gargaarka abaaraha ee deegaanada Hirshabeele.

Guddigaan oo ka kooban illaa 13 xubnood ayaa dhammaantood ah xildhibaanno, waxaana gudoomiye u ah gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeele Canab Axmed Ciise.

Magacyadda guddiga abaaraha iyo xilalka loogu magacaabay

1- Xildhibaan Canab Axmed Ciise – Gudoomiyaha Guddiga
2- Xildhibaan Maxamed Xuseen Yuusuf – Gudoomiye ku-xigeenka guddiga
3- Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow – Xoghaye
4- Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Wadaadyare  – Xubin
5- Xildhibaan Maxamed Wadar Xasan – Xubin
6- Xildhibaan Sheekh Maxamed Ibraahim Xuseen – Xubin
7- Xildhibaan Sheekh Axmed Cumar – Xubin
8- Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame – Xubin
9- Xildhibaan Aadan Maxamed Muuse – Xubin
10- Xildhibaan Cabdikariin Maxamuud – Xubin
11- Xildhibaan Cumar Maxamed cumar – Xubin
12- Xildhibaan Maxamed Siyaad xooshow – Xubin
13- Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Qaasim – Xubin

error: Content is protected !!