Wareegto kasoo baxday wasiir ku-xigeenka maamulka Puntland Nuur Axmed Yuusuf ayaa lagu sheegay in TV-ga afka Soomaaliga ku hadla ee Universal TV gebi ahaan laga mamnuucay inuu ka howlgalo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas.
TV-ga Universal ayaa lagu eedeeyay iska horkeenka maamulka iyo dadka shacabka Puntland, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay TV-ga inuu khalkhal geliyay amniga Puntland.
Amarkaan looga mamnuucay TV-ga Universal deegaanada Puntland ayaa u muuqda mid uu maamulku ka carooday barnaamij gaar ah teleefishinka ka diyaariyay waxqanadka iyo shaqada madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas.
Hoos ka aqriso wareegtada shaqadii looga mamnuucay TV-ga Universal