Xasan Sheekh oo hal arrin uga digay xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed (DHAGEYSO)

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay hadal kooban jeediyay kadib markii loo dhaariyay xilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dowladda cusub ee Soomaaliya lagu mashquuliyo arrimo khilaaf iyo is-qabqabsi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay in loo midoobo horumarka dalka Soomaaliya, islamarkaana aan lagu mashquulin is-qabqabsi iyo khilaaf, isagoo sheegay in waxyaabaha mideyn kara Soomaalida ay ka badan yihiin waxyaabaha ay isku khilaafayaan.

“Guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogto, gaar ahaan xildhibaanada baarlamaanka waxaa kula dar-daarmayaa in laga fogaado is-qabqabsi iyo khilaaf dib u dhigi kara dowladnimada Soomaaliyeed, waxaa loo baahan yahay in la muujiyo midnimo, loona dulqaato waxkasto oo caqabado oo yimaada, si dalka uu hormar u gaaro” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli laga cabsi qabso in is-qabqabsi uu ka dhex bilaawdo dowladda Soomaaliyeed dhexdeeda, sida looga bartay dowladihii hore ee dalka soo maray.

error: Content is protected !!