Ciidamada booliska Cadaado oo gadood sameeyay iyo howlihii ay haayeen oo xayirmay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegayaa in ciidamo ka tirsan booliska magaaladaasi ay maanta gadood ka sameeeyeen saldhiga ay ku leeyihiin halkaas, iyagoona kadib shaqo joojin ku dhaqaaqay.

Ciidamadaasi ayaa ku andacoonaya inaysan in muddo ah helin wax mushaar ah, waxayna maanta xireen saldhiga magaalada Cadaado, halkaas oo maanta aanay ka jirin wax shaqo ah.

Ciidamadaasi oo haatan la wareegay saldhigoodii ku yaalay magaalada Cadaado ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan muddo dheer heysatay, waxaana haatan ciidankaasi lagu qancinayaa in mushaarkooda la siin doonno islamarkaana ay howlahooda shaqo dib u bilawdaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay soo badanaayay ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan, kuwaas oo ku andacoonaya inaysan wax mushaar ah helin in muddo ah, taas oo keentay inay hakiyaan howlihii ay u haayeen maamulka ay hoos-yimaadaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!