Sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka dowladda oo caawa lagu dhex dilay gurigiisa

Koox hubeysan ayaa caawa degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkaan la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Cali Isaaq ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku dhex sugnaa guri uu ka degan yahay degmada X/jajab.

Dhinaca kale, kooxihii dilka u geystay salkaalkaasi ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Ma jirto cid illaa iyo haatan baaritaankaasi lagu soo qabtay, sidoo kale ma jiraan cid sheegatay inay ka dambeysay dilka sarkaalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer hore ay degmadaasi ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka halkaas.

error: Content is protected !!