XOG:- Siyaasiyiin caan ah oo ka mid noqon doonna golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya (AKHRISO)

Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqsiyaad caan ah loo badinaayo inay ka mid noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabi doonno ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Tirada golaha wasiirada cusub oo la qorsheeynayo ayaa la sheegaya inay gaareyso illaa 20 wasiir, waxaana qaar ka mid ah wasiiradaasi ka dhex muuqan doonna shaqsiyaad hore xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore ee dalka soo maray.

Shaqsiyaadkaasi sida weyn loo hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah kuwa saaxiibo dhaw la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo qaarkood aan ku cusbeyn masraxa siyaasadda Soomaaliya.

Shaqsiyaadka sida weyn loo hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah:-

1- C/nuur Xaaji Maxamed oo hore usoo noqdy wasiirka waxbarashada Soomaaliya

2- C/xakiim Maxamuud Fiqi oo isna hore u ahaa wasiirka gaashaandhiga

3- Cali Xaaji Warsame  oo ka mid ahaa musharixiinta sanadkaan ku tartameeysay xilka madaxweynaha Soomaaliya balse looga guuleystay

4- Maryan Qaasim  oo hore u ahayd wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bulshada

5-  Yussur Aadan Abraar oo hore usoo noqotay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya

6- C/raxman Ducaale Beyle oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

7- Maxamed Muqtaar oo hore wasiir uga soo noqday xukuumadii hore.

8- C/qaadir Xaaji Maxamed Dhaqane oo isna hore wasiir uga soo noqday dowladii KMG aheyd

Illaa iyo haatan lama oga xilliga rasmiga ah uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqi doonno magacyada golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxaase la filayaa in markii uu soo gaba-gabeeyo wadatashiyada uu haatan waddo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhawaaqi doonno xubanaha ka mid noqonaya wasiirada cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!