Wafdi uu hogaaminaayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya soo gaaray wafdi heer-sare ah ee uu hogaaminaayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Wafdigaasi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Booqashada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee magaalada Muqdisho ayaa la xiriirto sidii uu xoojin lahaa baaqa ay Qaramada Midoobay wax uga qabaneeyso abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, war-qoraal ah uu xoghayaha soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in safar deg deg ah uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho, isagoona safarkiisa ku sheegay inuu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa wax ka qabashada abaarta baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya

Antonio Guterres oo sanadkaan horaantiisa xilka loo magacaabay ayaa haatan kulan gaar ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madax kale oo katirsan dowladda Soomaaliya kula yeelanaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, wafdiga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoona u kuur gali doonno wax ka qabashada xaaladda abaareed ee ka jirta gobolada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!