Xarun cusub oo ay leedahay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo laga furay Baydhabo (SAWIRO)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta xariga ka jaray xarun dhexe oo ay hay’addu ka furtay magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaruntaan ayaa waxaa laga maamuli doonnaa dhamaan xarumaha ay hay’addu ku leedahay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro, xidhibaano iyo maamulka gobolka Bay, waxaana ay dhamaan si isku mid ah u ballan qaadeen inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dhamaan xarumaha ay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ku leedahaya deegaanada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa dhankiisa xaflada ka sheegay inay dhawaan  deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed ka furi doonaan xarumo kale oo ay hay’addu leedahay, ayna uga soo horeeyaan xarumo laga hirgaliyo magaalooyinka Ceel-barde iy Xudur.

error: Content is protected !!