DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay suurto-galnimada doorashada 2020-ka ee qof iyo cod

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulan la yeeshay guddiga madaxa bananaan ee doorashooyinka dalka ayaa si kulul uga hadlay suurto-galnimada doorashada dalka ka dhici doonto sanadka 2020-ka.

Prof. Jawaari oo kulan la yeeshay guddiga madaxa banaaan ee doorashada dalka ayaa ugu baaqay in guddiga ay si deg deg ah baarlamaanka ugu soo gudbiyaan in dalkaan doorasho hal cod iyo hal qof ay ka dhaceeyso iyo inkale kahor sanadka 2020-ka.

Wuxuu Prof. Jawaari tilmaamay in sanadkan 2017-ka guddiga doorashada looga baahanyahay inuu keeno qorshaha lagu hirgalinayo doorashada dhici doonto sanadka 2020-ka, si aysan u dhicin iyadoo waqti yar ama sanad ka dhiman tahay doorashada uu bilawdo is eedeyn iyo far isku-taag.

“Baarlamaanka labadiisa Aqal ma sugi doonno illaa laga gaaro 2019-ka in la fiiriyo suurta gal ma tahay doorasho hal qof iyo hal cod ay dhacdo, waxaa rabnaa inaan hadda bilawno sanadkan 2017-ka oo aan gadaal gadaal usoo xisaabino, kasoo bilaab 2020-ka, suurta gal ma tahay arrimaha la iska doonayo inaan hirgelino, hadii ay maya tahay walaalayaalow, shacabka yaa been loo sheegin, oo hala dhaho doorasho hal qof iyo hal cod ma suura galeeyso, annagana sanadkan ayaa baarlamaanka geynaya, waqtiga xil heynta baarlamaanka ayaa dheereynayaa illaa ay ka suurta gasho doorasho hal qof iyo hal cod” Sidaas waxaa yiri Prof. Jawaari.

Si kastaba, hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa imaanaya xilli ay suurta gali weysay qorshihii la filaayay ee doorashadii 2012-ka ay ku dhacdo qof iyo cod, kadib markii ay dowladii hore ku fashilantay inay arrinkaasi suurto geliso, iyadoona hadda markale la sugaayo in doraashadaasi ay dhacdo 2020-ka oo la rajeynaayo in doorasho qof iyo codkii ay ka dhacdo Soomaaliya.

error: Content is protected !!