Dhalinyaro xukuno kala duwan lagu riday kadib markii lagu eedeeyay dambiyo kala duwan (SAWIRO)

Waxaa maalintii shalay maxkamadda dambiyada culus maamulka Puntland ee ku taallo magaalada Boosaaso ayaa la horkeenay 8-nin oo loo heysto qaarkood inay katirsanaayeen dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala.

Illaa 6 ka mid ah ragga maxkamada la horkeenay ayaa lagu eedeeyay inay xubno ka ahaayeen dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana raggaan maxkamada markii ay dhageesatay kiiskooda kadib ku riday xukuno adag oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa mid 10-sano oo xabsi ciidan ah waxa ay ku xukuntay raganoo lagu kala magacaabo C/waaxid Macallin Axmad, Maxamad Cali Xuseen, Yaasiin Maxamad Cabdi, C/laahi C/raxmaan Barre, Ibraahim Yuusuf Muxidiin iyo Maxamad C/qani Xasan.

Dhinaca kale, maxkamada ciidamada Puntland ayaa shalay xukun dil ah ku riday labo askari oo katirsanaa ciidanka Maamulka Puntland, askartan ayaan a qof shacab ah waxa ay ku dileen Degmada Qandala ee gobolka Bari.

Labada askari ee xukunka dilka ah ku riday maxkamada ciidamada qalabka sida maamulka Puntland ayaa lagu kala magacaabaaa Mubaarak Mire Muumin iyo Feysal Ibraahim Cali, waxaana ragan lagu helay in dil bareer ah u geesteen qof shacab ah.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha maxkamadda ciidamada Puntland C/fitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xakun lagu riday dhalinyarada ku eedeysan in Al-shabaab ka tirsanaayeen ay furan tahay rafcaan soddon malmood gudahood ah.

error: Content is protected !!