Haweenka ka tirsan ciidanka AMISOM oo banaanbax aan caadi ahayn ka dhigay Muqdisho (SAWIRO)

Haweenka ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa bannaanbax nooc cusub ah oo lagu xusay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso, ka dhigay magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ay kasoo qeyb-galeen haweenka askarta ah ee ciidamada AMSOM sida milateriga iyo booliska ayaa la sheegay inuu ahaa bandhig ay isku barbar taagayeen haweenka Soomaaliyeed ee xaaladda amni darrada ku nool iyo guud ahaan haweenka adduunka.

“Nabad ilaalin lama sameyn karo haween la’aantood, maxaa yeelay haweenka ayaa ah kuwo u dhow dadka, waxayna la tacaali karaan arrimaha haweenka, haweenku waxay leeyihiin il qarsoon oo ay xaaladda ku qiyaasi karaan kuna fahmi karaan waxa socda” Sidaas waxaa tiri kaaliyaha booliska AMISOM Judy Lamet oo u dhalatay dalka Kenya.

Dhinaca kale, ku-xigeenka madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto oo banaanbaxa hogaamineysay ayaa sheegtay inay taageereyso kordhinta tirada haweenka nabad ilaaliyeyaasha ah ee ka mid ah militeriga iyo booliska AMISOM.

error: Content is protected !!