Xildhibaan dhaawac culus kasoo gaaray qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray (SAWIRO)

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagula eegtay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland.

Qaraxaasi ayaa ahaa mid lagu xiray gaariga uu watay xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan, waxaana uu qarxay xilli uu maraayay agagaarka xerada Daraawiishta ee magaalada Gaalkacyo.

Dhaawaca xildhibaan C/qaadir ayaa la sheegayaa inuu yahay mid aad u culus, waxaana dhaawaciisa la dhigay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu ka dhaawacmay qeybta danbe ee jirkiisa gaar ahaan lugta oo burbur xoogan soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay, mana jirto cid illaa iyo haatan lagu qabtay baaritaanadaasi ama sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Dhinaca kale, xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa la sheegayaa in markii uu qaraxu qabsaday uu kasoo baxay hotelkii uu degnaa, wuxuuna xildhibaanka ka mid ahaa guddiga difaaca gobolka Mudug.

error: Content is protected !!