Xuseen Salaad oo ka hadlay sababta uu isugu soo dhiibay ciidanka dowladda ee gobolka Bay (DHAGEYSO)

Xuseen Salaad Mukhtaar oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.

Sarkaalkaan oo dalbaday in la cafiyo ayaa sheegay in markii uu arkay in kooxda Al-shabaab ay si bareer ah xilli kasto u leeynayso dadka shacabka ah uu go’aan buuxo ku qaatay inuu kasoo goosto islamarkaana kusoo biiro dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Xuseen Salaad Mukhtaar ayaa sheegay in Al-shabaab aysan dadka la kala sooceyn islamarkaana ay si ula kac ah isaga laayso qof allaale qofkii ay aragto.

Ugu dambeyntii, Xuseen Salaad Mukhtaar ayaa baaq u diray saraakiisha Al-shabaab iyo ciidamadeeda inay cafis weydiistaan dowladda federaalka Soomaaliya, kana soo baxaan waxyaabaha qaldan oo ay ku dhex jiraan.

error: Content is protected !!