Xiisad weli ka taagan magaalada Garoowe iyo saraakiil la hadashay warbaahinta (SAWIRO)

Ciidamo aad u hubeysan islamarkaana gadoodsan ayaa habeenkii xalay la wareegay bar-koontarool ah oo ay leedahay wasaaradda maaliyadda Puntland oo ku taallo koonfurta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihiin kuwa daraawiishta Puntland, waana isla ciidamadii dhawaan qabsaday xarunta baarlamaanka magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Taliye ku-xigeenka ciidanka daraawiishta ee maamulka Puntland Jeneraal Dayr Xaaji Cabdi ayaa la sheegayaa inuu ciidankaasi horkacayo, waxayna ka cabanayana mushaar la’aan heysata dhowr sano ah.

Jeneraal Dayr Xaaji Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay goobta ay wareegeen ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidanku ay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata muddo sanado ah, waxa uuna beeniyay warka kasoo baxay wasaarada maaliyada ee lagu sheegay in ciidanka musharakooda la siiyay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay inay muddo badan samrayeen balse markaan uu samirkii ka dhamaaday, wuxuuna sheegay inaysan jirin ciidan mushaar la siiyay ayna been abuur tahay warka kasoo baxay wasaarada maaliyada.

Magaalada Garoowe ayaa haatan waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in xiisadda halkaasi ka jirto lagu qaboojiyo, laguna qanciyo ciidanka iyo saraakiisha halkaasi la wareegay in mushaaraadkooda iyo xuquuqdooda la siin doonno.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa haatan u muuqdo mid cadaadis xoogan kaga imaanaya ciidankooda ka cabanaya mushaar la’aanta.

Ciidankaasi ayaa dhowr jeer hore si xoog ah kula wareegay xarumaha maamulka Puntland leedahay, waxayna badankooda ka cabanayaan mushaar la’aan iyo xuquuqdooda oo la duudsiiyay.

error: Content is protected !!