Dad laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka oo maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho

Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ku dhawaad 70 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, kadib markii muddo labo sanno ah ay ku xirnaayeen xabsiyada ku yaalla dalkaas.

Dadkaan oo intooda badan gacmaha katiinado uga xirnaa ayaa lasoo marsiiyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxayna dadkaan isugu jireen dhalinyaro laga soo saaray xabsiyo ay kaga jireen dalkaasi Mareykanka iyo kuwa si sharci darro ah dalkaasi ku galay.

Masaafurinta lagu haayo Soomaalida Mareykanka ku nool ayaa u badan dad lagu helay falal dambiyeed kala duwan iyo kuwa si sharci darro ah dalkaasi ku joogay.

Waa markii labaad oo muwaadiniin Soomaali ah laga soo mastaafuriyo dalka Mareykanka, tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.

error: Content is protected !!