Dilalka Muqdisho oo sii kordhay iyo askari caawa lagu dilay xaafadda Burdheere ee degmada Waaberi

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa xaafadda Burdheere ee degmada Waaberi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askarigaan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Caddow ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas ay ka haleeshay qeybta kore ee jirkiisa, waxaana la dilay xilli uu ku sugnaa goob maqaaxi laga cunteeyo oo ku taallo xaafadda Burdheere ee degmada Waaberi.

Dhinaca kale, kooxihii dilka u geystay askarigaasi ayaa la sheegayaa in islamarkiiba ay goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo baaritaano ka sameeyay halkaas.

Illaa iyo hataan ma jirto cid baaritaankaasi lagu soo qabtay ama sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer hore ay magaalada uga dhaceen falal lidi ku ah ammaanka magaalada.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!