Maxaa kusoo kordhay falkii lagu jabsaday xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka?

Wararkii ugu dambeeyay aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in illaa 4 qof loo soo xir xiray dhacdadii habeen hore ee lagu jabsaday xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Ilo lagu kalsoonaan karo aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka NISA ay arrinkaasi su’aalo u weydiiyeen illaa 4 qof oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney, waxaana dhamaantood haatan lagu sii daayay qaab damiin ah, iyagoona lagu wargeliyay inaysan dalka ka bixi karin inta uu baaritaanku socdo.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa weli waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, kadib markii soo baxday in la jabsaday xafiiska hanti dhowraha guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadibne lagala baxay dokumentiyo muhiim ah iyo qalab kale.

Dokumentiyadaasi ayaa la sheegayaa inay u badnaayeen kuwa quseeya miisaaniyada dalka iyo warbixino uu diyaarsaday hanti-dhowraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, kaas oo ku dhex shaqeeya dhisme ku yaala xarunta wasaarada maaliyadda ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loo baaro arrintaan kadib kulan uu habeenkii xalay la yeeshay hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Lama oga sida uu arrinkaan kusoo gaba-gaboobi doonno, waxaana muddooyinkii ugu dambeysay hanti-dhowraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale uu ka wal-walsanaa in xatooyo lagu sameeyo dokumentiyadda ka hadlaayay wax isdaba marin baahsan oo lagu sameeyay miisaaniyadii dowladda ee sanadihii 2015-ka iyo 2016-ka, taas oo gaareyso illaa 110 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

error: Content is protected !!