Cudur aan la aqoon waxa uu yahay oo ka dilaacay deegaan ku yaalla gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Dhanooda ee dhinaca barri kaga beegan gobolkaasi uu ka dilaacay cudur aan hore loo arkin islamarkaana lagu wareersan yahay waxa uu yahay.

Cudurkaan oo la sheegay inay dad fara-badan u dhinteen ayaa calaamada lagu ogaanayo ka mid ah in marka hore qofka loo qabanaayo sida naqaska oo kale.

Xarumaha caafimaad ee ku yaalla gobolka Mudug ayaa weli ku wareersan cudurkaan oo la sheegay inaan waligiis noociisa oo kale la arag, waxaana goobta uu cudurkaasi ka dilaacay ay tahay meel xarumaha caafimaad ka fog.

Suldaan Cabdi Madoobe oo kamid ah waxgaradka deegaanada uu cudurkaasi ka dilaacay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhowr qof ay u dhinteen cudurkaan.

Sidoo kale, suldaanka ayaa sheegay in weli lala yaaban yahay waxa uu yahay cudurkani, waxaana goobta uu cudurkani ka dilaacay ay ka fog-tahay xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Dhowr qof oo loo soo waday xarumaha caafimaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku geeriyootay wadada kahor inta aan lasoo gaarsiin xarumaha caafimaad.

Waa markii ugu horeeysay oo cudur aan la aqoon uu ka dilaaco deegaaan ka tirsan gobolka Mudug.

error: Content is protected !!