Midowga Afrika oo shaki weyn ka muujiyay in la gaari karo hadafkii laga lahaa ciidanka AMISOM

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa markii ugu horeeysay qiray in qorshaha Midowga Afrika ee haatan ku tiirsan kaliya weerarada militeri ee ka dhanka ah Al-shabaab ay suurto-gal tahay inuusan ku guuleysan in dalka Soomaaliya uu u horseedo xasilooni rasmi ah.

Wuxuu Ambassador Francisco Madeira ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo kordhiyo ciidamada AMISOM, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xureeyay Al-shabaab.

Sidoo kale, Ambassador Francisco Madeira oo ka deyriyay ciidamada ammaanka ee dowladda federaaalka Soomaaliya ayaa ku sheegay inaysan ku sugneyn xaalad ay awoodaan inay ka taliyaan goobaha Al-shabaab laga xureeyay.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayuu Ambassador Madeira sheegay inay aheyd inay la dagaalamaan Al-shabaab ay AMISOM ka sugaan inay iyagii ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyay in AMISOM ay dhinac kala dagaalameyso Al-shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii la caddeyn lahaa in AMISOM aysan weligood joogi doonin Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha ay AMISOM ka xureeyso Al-shabaab.

error: Content is protected !!