Nabadoon Xarago oo maanta xoriyadiisa dib u helay kadib markii laga sii daayay xabsiga uu ku xirnaa

Waxaa maanta xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso laga sii daayay Nabadoon C/qaadir Ibraahim Xarago, kadib markii ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen 25-kii bishii hore ee Febraayo.

Nabadoon Xarago ayaa la xiray kadib markii uu ka hadlay xukun lagu riday 7 dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Sii deynta Nabadoonka ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii ay wada kulmeen madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo waxgaradka kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Nabadoon Xarago.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa faray in Nabadoonka uu ka shaqeeyo nabadda iyo hormarka Puntland islamarkaana ka fogaado wax walba oo lid ku ah amniga deegaanada Puntland.

Ugu dambeyntii, Nabadoon Xarago oo ka mid ah nabadoonada inta badan ka hadla arrimaha siyaasadda iyo amniga maamulka Puntland ayaa wareeysi uu siiyay idaacadda VOA-da ku sheegay in dhalinyaro loo haystay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab ay ka muuqatay jirdil, islamarkaana ku baaqay in xukunkooda dib loo galo.

error: Content is protected !!