Warar hordhac ah oo laga helaayo weerar hoobiyaal ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar hordhac ah oo laga helaayo weerar hoobiyaal ah oo maanta lagu qaaday xerooyin ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya inay ku dhaceen agagaarka xerooyinka Kuliyadii Jaalle Siyaad iyo Xero ciidan oo ay maamulaan Imaaraadka Carabta.

Madaafiicdaasi oo tiro ahaan gaarayay illaa 5 madfac ayaa la sheegayaa inaysan wax qasaare ah geysanin, balse waxaa jugta madaafiicdaasi laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa la sheegayaa in dad badan oo looga shakinsan yahay inay weerarkaasi ka dambeeyeen ay kusoo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen xaafadda Baar Ubax ee degmada H/wadaag.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse warar hordhac ah aynu helnay ayaa sheegaya inaysan jirin wax qasaare oo ka dahsay weerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee dhawaanahan lagu qaado xerooyin ciidan ee ku yaalla jidka warshada degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!