Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in maxkamadda magaaladaasi ay maanta qaadeyso mid ka mid ah kiisaskii ugu yaabka badnaa ebid ee ka dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed.
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday ninkii dhawaan iska digay haweeney malxiisad aheyd iyo haweeneydii arooska ahayd ee ninkaasi qarisay
Sidoo kale, waxaa xukun lagu riday gabar kale oo la sheegay inay kiiska wax ka ogeyd.
Dacwadaan oo ahayd mid aan hore loo arag islamarkaana dad badan ka yaabisay ayay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex fadhi ka yeelatay waxayna ugu dambeyn kasoo saartay go’aano kala ah;
– In 2 sano oo xarig ah lagu xukumay haweeneydii aroosadda aheyd
– In 1 sanno iyo lix bilood oo xarig ah lagu xukumay ninkii gabadha malxiisadda iska dhigay
– In xabsi kooban lagu xukumay gabar lagu soo eedeeyay inay arrintaasi gacan ka geysatay
Si kastaba ha ahaatee, dacwadda kiiskaan oo in muddo ah soo socotay ayaa noqotay midda ugu hadal heynta badan ee ka taagan deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco ee gobolka Togdheer.