Ciidanka militeriga oo gebi ahaan xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Ciidamo aad u hubeysan islamarkaana ka tirsan kuwa militeriga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gebi ahaan xiray qeybo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa la sheegayaa inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan iyo daryeel la’aan lasoo daristay, waxayna gebi ahaan xireen isgoysyada ugu mashquulka badan ee Zoobe, KM4 iyo wadada tagta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, ciidankaan ayaa xiray wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyagoona gaadiidka iyo dadweynaha u diiday inay wadadaasi isticmaalaan.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saakay ah mid aad u kacsan, waxaana gebi ahaan hakad ku jira isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray wadooyinka magaalada Muqdisho.

Illaa iyo haatan ma jirto war kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan gadoodka ay ciidanka militeriga saakay ka sameeynayaan qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay ee ciidankaan gadood ka sameeya magaalada Muqdisho, tan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!