Mid ka mid ah shaqaalaha teleefishinka UNIVERSAL oo qarax ku dhaawacmay (SAWIRO)

Waxaa barqadii maanta qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay agagaarka shineemo Super ee ku taallo degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino lagu soo dhajiyay gaari yar oo noociisu yahay kuwa raaxada ah.

Gaarigaasi ayaa la sheegayaa inuu watay nin lagu magacaabo C/xamiid Karzaay, oo ka mid ah farsamo yaqaanada teleefishinka UNIVERSAL xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dhaawaca C/xamiid Karzaay ayaa la sheegayaa inuu yahay mid culus, waxaana dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu daaweeyo.

Qaraxaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay labo qof kale oo mareeysay wadada dhinaceeda.

Qaraxyada inta badan lagu xiro gaadiidka ayaa mudooyinkii ugu dambeeysay kusoo kordhay magaalada Muqdisho, waxayna qaraxyadaasi yihiin kuwa lagu dhajiyo kuraasta qeybta ay fariistaan darawalada gaadiidka.

error: Content is protected !!