Nimco Ciise “Shaqo kasta oo aan hayo macnaheedu maaha iney i badaleyso..”

Nimco Ciise oo ah xogheynta gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa barteeda Facebook-ga ku baahisay qoraal muran weyn ka dhex abuuray baraha ay bulshada ku xiiriirto.

Nimco Ciise oo hore uga tirsanayd wariyaasha ka howlagala Radio Hargeysa ayaa barteeda Facebook-ga kusoo qortay fariin micno badan yeelan karo, kadib markii ay sheegtay in shaqo kasta oo ay heyso aysan waxba ka bedeli karin inay tahay Somaliland.

“Shaqo kasta oo aan hayo macnaheedu maaha iney i badaleyso, waan ku faanayaa inaan ahay qof Somalilander” Sidaasi waxaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay Nimco Ciise oo ah xogheynta gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, taageerayaasha Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyay qoraalkaan ay barteeda Facebook-ga ku baahisay Nimco Ciise oo ah xogheynta gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Tan iyo markii Nimco Ciise loo magacaabay xogheynta gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaayay eedeymaha loo jeedinaayo.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa haatan aaminsan in Nimco Ciise ay tahay shaqsi kasoo horjeedo midnimada Soomaaliya, waxayna arrintaasi halis ku noqon kartaa shaqada ay haatan ka hayso xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!