Ra’iisul wasaare Kheyre oo soo saaray amar lagu joojinaayo howlo ka socdo Muqdisho (AKHRISO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amray wasaaradda gaadiidka iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho in gebi ahaan la joojiyo dhismayaasha ka socda garoonka iyo hareerahiisa.

Dhismayaashaasi ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ay dhisanayaan shirkado gaar loo leeyahay, iyadoona dhulkaasi uu yahay dhul laga burburiyay dad Soomaaliyeed oo hore halkaasi u degnaa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wareegtadda ku sheegay inuu dhawaan soo magacaabi doonno guddi xaqiiqo raadin ah, kadib markii lasoo magacaabo golaha wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

error: Content is protected !!