Al-shabaab oo shaacisay magacyadda saraakiil iyo xildhibaano ay sheegeen inay ku dileen qaraxii Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray Hoteelka Wehliye ee ku yaalla degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayay Shabaabku sheegeen inay ku dileen illaa 30 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo xildhibaano hore uga tirsanaa baarlamaanka federaalka Soomaliya.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dhaawaceen 40 ruux kale oo iyagane ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyadda ay warbaahinta Al-shabaab baahisay;

1- Jeneraal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan.
2- Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha dowladda Soomaaliya.
3- Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada militeriga Soomaaliya.
4- Nin magaciisa lagu sheegay Nuur Kuulow oo ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka oo Shabaabka ay sheegeen inuu dhaawac halis ah noqday.
5- Ex-xildhibaan Xasan Cumar oo ay Shabaabka sheegeen inay dileen qaraxa.
6- Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur oo isna ay Shabaabku sheegeen inay ku dileen qaraxa.
7- Ex-xildhibaan C/laahi Leesto oo ay Al-shabaab ku eedeysay inuu ka tirsan yahay hay’adda sirdoonka ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inuu dhaawac halis ah soo gaaray.

Dhinaca kale, ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya warkaan ay baahisay Al-shabaab, marka laga reebo C/laahi Leesto oo isagu la xaqiijiyay inuu qaraxa maanta ku dhaawacmay.

error: Content is protected !!