Dhacdo argagax leh oo saakay ka dhacday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dhacdo argagax leh, kadib markii nin la sheegay in madaxa looga jiro uu gowracay haweeney uu qabay.

Ninka falkaan dilka ah geystay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ayaa la sheegayaa in dilka xaaskiisa uu u adeegsaday toorey.

Haweeneyda dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Canab File Faracadde ayaa ahayd hooyo ninkaasi u dhashay 7 caruur ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ninka dilka geystay uu ahaa qof madaxa looga jiray, islamarkaana muddooyinkii ugu dambeysay uu isku buuqsanaa.

Sidoo kale, waxay dadkaasi sheegeen in markii ay isku dayeen inay ka dhiciyaan, uu ku bursaday tooreydii uu ku gowracay xaaskiisa.

Ciidamada maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dambiilaha dilka geystay, iyagoona kadib ninkaasi ku xiray xabsi ku yaalla magaalada Guriceel.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan oo ah mid argagaxa leh ayaa noqotay mid maanta si weyn looga hadal haayo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo sidoo kale deegaanada kale ee ku dhaw dhaw.

error: Content is protected !!