Faah faahin:- Qaraxyo mataano ah oo maanta si weyn u gil-gilay magaalada Muqdisho iyo qasaare ka dhashay

Waxaa faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo mataano ah oo saakay ka dhacay Hoteel Wehliye ee ku yaalla degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadaas oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa kii koowaad ahaa mid ismiidaan ah oo lagu dhuftay afka hore Hotel Wehliye, halka kii labaadna uu ahaa mid lagu dhuftay gaari uu lahaa wasiirka kaluumeysiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy.

In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay qaraxyadaasi mataanaha ah, iyadoona 20 qof ka badan ay ku dhaawacantay sida ay inoo xaqiijiyeeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu xilligaasi ka maqnaa gaarigiisa, balse warar hordhac ah oo aynu heleyno ayaa inoo xaqiijiyay inuu ku geeriyooday darawalkii wasiirka.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dadkii dhaawacyada ahaa, iyadoona goobta uu qaraxa ka dhacay ay xilligaasi noqotay mid aad u mashquul badan.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA oo qaraxa kadib soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobtaas.

Dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan dad shacab ah iyo ciidankii ilaalada ka aheyd Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Waa qaraxii labaad oo muddo saacado gudahood ah ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxii saakay ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay meel ku dhaw saldhig ciidan oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaasi ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday oo kaliya ruuxii qaraxa fuliyay, iyadoona 2 qof kale oo shacab ah ay ku dhaawacantay.

error: Content is protected !!