Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay isgoyska Xaaji Jaamac ee magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in nin isku soo xiray suun ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa uu maanta qarax ka geystay halkaasi.

Ninkaasi oo loo maleeynayo in qaraxaasi uu markiisi hore la damacsanaaa goob maqaaxi ah oo ku taallo magaalada Kismaayo ayaa qarxay kahor inta uusan gaarin goobtii uu bartilmaameedkiisu ahaa.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay isgoyska Xaaji Jaamac oo ku yaalla xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday oo kaliya ninkii qaraxa isku soo rakibay, kaas oo jirkiisa gabal-gabal dhulka ugu daatay.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda maamulka Jubbaland oo goobtaasi soo gaaray ayaa baaritaano xoogan ka sameeyay halkaasi, iyagoona kadib xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobtaas.

Illaa iyo haatan lama oga cidda uu ninkaasi ka tirsanaa, iyadoona xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ay noqotay mid aad u kacsan.

Wixii warkaan kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allaah.

error: Content is protected !!