Oday 90 jir ah oo saakay lagu dilay agagaarka saldhiga degmada Dharkeenley ee Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saakay agagaarka saldhiga degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dishay oday waayeel ah oo la sheegay inuu 90 jir ahaa.

Odaygaan la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Saacid, ayaa la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkiisa.

Kooxihii dilka u geystay odaygaasi ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana markii dambe goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda ee NISA oo howlagalo baaritaano ka sameeyay halkaas.

Dhinaca kale, qof ka mid ah dadka deegaanka oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in meydka odayga waayeelka ah markii dambe laga qaaday goobtaas.

Ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka odaygaan waayeelka ah, ama loo soo qabtay, iyadoona sidoo kale aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dharkeenley.

Tan iyo markii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya la wareegay Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay falalka amni darro ee qaarijinta iyo qaraxyada lala beegsanayo dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!