Burcad badeed Soomaali ah oo afduubatay markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah

Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah ayaa lagu soo waramayaa in laga afduubtay Badweynta Hindiya, iyadoona markabkaasi la geeyay xeebaha degmada Caluula ee bariga Puntland..

Kooxo la aaminsan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa markabkaan oo nooca shidaalka qaada ah kaasoo afduubtay Badweynta Hindiya.

Markabkaan oo magaciisa lagu sheegay ARIS 13 ayaa la sheegayaa in laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, balse watay calanka dalka Srilanka.

Shirkada maamusha markabkaan oo lagu magacaabo Aurora Ship Management ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, madaxda maamulka Puntland ayaa sheegaya inay weli wadaaan qiimeynta xaaladda dhalisay afduubka markabkaan iyo wararka la xariira.

Waxaa la xaqiijiyay in kooxaha afduubatay markabkaan ay tiro ahaan yihiin 8 nin oo hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, seddaxdii sano ee lasoo dhaafay waxaa xeebaha Soomaaliya ka yaraaday afduubta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay u geysanayeen maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya, balse waxaa haatan muuqata in kooxahaasi ay markale dib usoo laba kacleeyeen.

error: Content is protected !!