Maxkamad Europe ku taallo oo mamnuucday in dumarku ay shaqada ku xiran karaan qamaarka

Maxkamadda Caddaalada Midowga Europe ayaa sharci ka dhigtay in shirkaduhu ay ka mamnuuci karaan dumarka u shaqeeya inaysan xiran qamaarka madaxa la saarto, waana kiiskii ugu horeeyay oo dumarka muslimiinta xuquuqdooda laga hor-yimaado inay ku shaqeyn karaan xijaabka.

Maxkamadda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay goobaha shaqada ee Europe ay mamnuuc ka tahay in qofku uu soo xirto calaamado muuqda oo muujinaya diin, siyaasad iyo wax la mid ah.

Laba shaqaale oo haween ah oo ku kala sugan Belgium & France ayaa kiiskan makamadda ECJ keenay kaddib markay diideen inay qamaarka madaxda ka qaadaan.

Labada gabdhood middood waxay u shaqaynaysay shirkadda G4S taas oo sharciga shirkaddaas uu dhigayo in qofku uusan xiran karin calaamado diin muujinaya ama siyaasad ama falsafad kale.

Gabadha kale waxay ahayd lataliyaha dhinaca IT-ga waxaana loo sheegay inay qamaarka madaxa ka qaaddo waana diiday iyaduna.

Shirkadda G4S oo khilaafka arrinkan uu soo bilowday sanadii 2006 markii hore sharcigoodu kuma qornayn in shaqaaluhu uusan xiran karin calaamado muujinaya xisbi siyaasadeed, diin ama falsafad kale, laakiin sharciga shaqaalaha ayaa wax laga baddalay markay dumarka ka shaqeeya shirkadda bilaabeen inay xijaab xirtaan.

Inkastoo sharcigani uu saamayn doono dad badan maxkamaddu waxay tiri, “Go’aankani maaha mid lagu cunsuriyaynayo ama lagu bartilmaammeedsanayo Islaamka iyo diimaha kaleba”.

Gabadha shaqaalaha ah ee ku sugan France oo ah injineerad xagga naqshadda ee shirkadda Micropole, ayaa laga codsaday inay joojiso xirashada xijaabka ama qamaarka, laakiin waa diiday inay dhigto qamaarka.

Maxkamaddu ayaa go’aanka kaddib waxay dib ugu celisay maxkamadda France si arrintan ay u meel mariso oo go’aanku uu yahay mid sax ah iyo dib u eegis in lagu sameeyo shuruudaha shaqada ee dalka France.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

error: Content is protected !!