Nin ganacsade ah oo maanta lagu dilay agagaarka daarta Cali Dheere ee magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa maanta agagaarka daarta Cali Dheere oo ku taallo suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin ganacsade ah.

Ninkaasi ganacsadaha ah oo magaciisa lagu soo koobay Tannas, ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu ku sugnaa agagaarka daarta Cali Dheere ee suuqa Bakaaraha, waxaana lagu dhuftay dhowr xabadood, kadibne uu isla gooba ku geeriyooday.

Kooxaha dilka u geystay ayaa islamarkiiba ka baxsaday goobtaasi, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Dadkii ganacsatada ahaa ee ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa goobtaasi ku kala cararay, ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay dilkaasi ama loo soo qabtay.

Dhinaca kale, warar aaan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa ergadii dhawaan Koonfur Galbeed kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhay dilalka iyo qaraxyada loo geysanaayo nabadoonada, dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!