Qarax ka dhashay telefoon oo basbeeliyay guri Villa ah oo ku yaalo Boosaaso (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in guri Villa ah oo halkaasi ku yaala uu gubtay kadib markii uu qarxay telefoon gacan-qaad ah noociisu yahay Samsung Galaxy.

Telefoonkaan Mobile-ka ah ayaa la sheegayaa in markii uu qarxaayay uu ku jiray Charger, waxaana xilligaasi dhacday inuu mar kaliya qarxo, kadibna uu dhaliyo dab aad u xoogan oo sababay inuu bas-beelo guriga Villada ah.

Dabkaasi oo in muddo ah lala tacaalayay damintiisa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay damintiisa, waxaana la sheegayaa in guriga dhan uu bas-beelay.

Dhawaan ayay ahayd markii shirkadda telefoonada ee Samsung ay joojisay telefoonka noociisu yahay Samsung Galaxy Note 7, kadib markii cilad qarax ah uu ka keenay dhinaca batteriga ah.

Macaamiil badan oo telefoonkaasi gatay ayaa lagu wargeliyay inay dib usoo celiyaan, si lacagtooda loogu celiyo islamarkaana loo yareeyo qasaaraha baahsan ee ka dhalan karta cillada qaraxa ah uu teleefoonka sameeynayo.

error: Content is protected !!