Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb-galay salaad roob-doon ah oo lagu dukaday Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay isku soo bax aad u ballaaran iyo salaad roob-doon ah oo ka dhacday masjidka Isbaheysiga Islaamka ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa culimadda Soomaaliyeed iyo madaxweyne Farmaajo ku baaqay in Soon iyo Salaad roob-doon la isugu soo baxo, waxaana maanta boqolaal qof ay isugu tageen masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta salaadda roob-doonka dadka shacabka ah kula dukatay masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, iyadoona xilligaasi la xiray wadooyinka waaweyn ee soo gala masjidkaas.

Madaxweyne Farmaajo oo isna la filaayay inuu maanta kasoo qeyb-galo salaadaasi roob-doonka ah ayaan kasoo qeyb-galin, waxayna culimadda Soomaaliyeed ugu baaqeen sahacabka Soomaaliyeed inay Soomaan islamarkaana Alle ka baryaan inuu ka dulqaado colaadda iyo abaaraha ragaadiyay dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!