XOG RASMI AH:- Qaabka maamul goboleed ahaan loogu qeybin doonno wasaaradaha muhiimka ah (AKHRISO)

Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu si rasmi ah ugu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee ka mid noqon doonno xukuumadiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xilliyada soo socdo kulamo toos ah la yeelan doonna musharixiinta daneeynaysa in xil looga magacaabo xukuumadda cusub, waxayna labadaasi mas’uul musharixiintaasi ku kala saari doonaan aqoontooda, khibradooda, daacadnimadooda iyo kartidooda.

Inkastoo maalmihii ugu dambeysay ay jireen caqabado hortaagnaa magacaabista golaha wasiirada cusub ayaa haatan u muuqda mid laga gudbay.

Caqabadahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa in wasiir loo magacaabi karo xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale culeysyo ka imaanayay qabaa’ilka waaweyn oo xusul duub ugu jira wasiirada muhiimka ah.

Wararkii ugu dambeeyay aynu ka heleyno xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in wasiirada muhiimka ah loo qeybin doonno qaab maamul goboleed, halka markii hore lagu qeybin jiray nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Nidaamkaan cusub ayaa noqon doonno in 5-ta wasaaradood oo waaweyn la kala siiyo maamul goboleedyada dalka, halka kan lixaadne la siiyo ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo xil wasiir.

1-  Puntland – Wasiirka Gaashaandhigga

2-  Koonfur Galbeed – Wasiirka Arrimaha Dibadda

3-  Jubbaland – Wasiirka Amniga

4-  Hirshabeele – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Xil Wasiir

5 – Somaliland – Wasiirka Maaliyadda

6 – Galmudug – Wasiirka Arrimaha Gudaha

error: Content is protected !!